3.4 Bilyan oo qof ayaa sanad weliba wajaha halista duumada (Kaneecada).

0
339

3.4 Bilyan oo qof ayaa sanad weliba wajaha halista duumada (Kaneecada).

25ka April, sanad weliba waxaa la maamuusaa maalinta loo gaarka yeelay kahortagga halista ka dhalata Kaneecada, maalintaan ayaa soo billaabatay kaddib markii xannuunka Duumada uu ku faafay 106 dal, waxaa xiligaas halis galay 3.3 Bilyan oo ruux.

Qaramada Midoobay ayaa diiwaangelisay maalintaan kaddib soo jeedin ka timid Hay’adda Caafimaadka qaabilsan si loo ogaado halista ka imaan karta Kaneecada Dhaddig ee qofka marka ay durto kaddib dhiigga cudurka la socda ku dhiijiso (Ku shubto).

2012, qiyaastii 627,000 (Lex boqol, labaatan & todobo kun oo ruux) ayaa u geeriyootay cudurka duumada (Kaneecada), inta badan Dadkaan waxa ay ku nool Qaaradda Afrika waana carruur qoysaskoodu degen yihiin meelaha kaneecadu ku badan tahay.

Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo qayb kamid ah Qaaradda Yurub ayay si xowli ah dhibaatada Duumada/kaneecada uga taagan tahay, waa sababta dhalisay in wadajir loo abaabulo ololaha looga hortagayo.

 

Saynisyahannada raad-raacay halista kaneecada dhaddig ee cudurka faafisa ayaa soo jeediyay in la sameeyo tallaabooyin looga hortagayo si loo yareeyo welwelka ka taagan xal u helista awoodda malaariyada ama Duumada.

Saddex ruux oo dabagal ku sameysay habka looga hortagi karo halista kaneecada ama Duumada oo lagu kala magacaabo Anthony James, Ethan Bier iyo Valentino Gantz ayaa isku raacay in baaris lagu sameeyay hidde-sidaha Kaneecada oo la baaray kaddib waxaa la helay dawooyinka kahortagga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here