Macron Oo Mar Kale Loo Doortay Madaxtinnimada Faransiiska

0
460

Macron Oo Mar Kale Loo Doortay Madaxtinnimada Faransiiska

Emmanuel Macron ayaa ku guuleystay shan sano oo dheeri ah oo uu ahaa madaxweynaha Faransiiska ka dib markii uu si la yaab leh uga guuleystay haweeneydii la tartamaysay ee Marine Le Pen, taas oo isugeyn iyana heshay saamiga ugu sarreeya ee midigta fog ee codbixinta.

Waxa uu ku guulaystay 58.55% ilaa 41.45%, waana xad ka weyn sidii la filayey.

Hoggaamiyahan lagu tilmaamo in uu yahay dhaxdhexaadka ayaa u sheegay taageerayaashiisa oo kula dabbaal degayey daarta Eiffel Tower in hadda doorashadu dhammaatay uuna noqon doono “madaxweyne dadka oo dhan”.

Waa madaxweynihii ugu horeeyay ee xilka haya ee dib loo doorto muddo 20 sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here