Ciidamada Ruushka Oo Soo Riday Diyaarado Milateri Oo Laga Leeyahay Dalka Ukraine

0
330

Ciidamada Ruushka Oo Soo Riday Diyaarado Milateri Oo Laga Leeyahay Dalka Ukraine

Ruushka ayaa sheegay inuu soo riday hal diyaarad oo ah kuwa dagaalka iyo saddex kale oo ah kuwa qumaatiga u kaca oo laga leeyahay dalka Ukraine.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay guulo kala duwan oo ay ka gaareen dagaalka iyadoo ciidamada cirka ee Ruushka ay beegsadeen xarumo badan oo ay ku sugnaayeen militariga Ukraine.

Ruushka Ukraine ayaa Qaramada Midoobay iyo hayadaha kale ee caalamiga ah ka codsatay inay badbaadiyaan dad badan oo rayid ah isla markaana ay gargaar gaarsiiyaan aagagga ay weeraraan Ruushka, gaar ahaan magaalada dekedda leh ee Mariupol.

Xildhibaan ka tirsan xisbga madaxweynaha Ukraine, Vladymyr Zelensky, Vadym Halaychuk, ayaa BBC-da u sheegay in QM ay tahay inay dowr ka qaadato furista waddooyin loo mariyo gargaarka biniaadanimo iyo inay ka shaqeyso xallinta dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here