PAKISTAN : In Ka Badan 30 Qof Oo Ku Geeriyootay Shil Tareen Oo Saaka Dhacay

0
290

PAKISTAN : In Ka Badan 30 Qof Oo Ku Geeriyootay Shil Tareen Oo Saaka Dhacay

Waaberigii hore ee saakayto ayaa waxa uu Shil Tareen ka dhacay meel ku dhow Degmadda Ghotki ee dalka Pakistan.

Sida laga soo xigtay Saraakiisha Tareenada waxay sheegeen inay ugu yaraan 30 qof oo rakaab ah ku geeriyoodeen shilkaasi, halka ay 50-kalena ku dhaawacmeen.

Labo Tareen oo nooca dheereeya ayaa la sheegay inay shilka ku galeen injta u dhexeysa Bosteeooyinka Tareenada laga raaco ee Raiti iyo Obara, iyadoo ay qalibmeen 14 Rimoor oo ay Tareenada jiidayeen.

Ilo ka tirsan Boliska waxay sheegeen in laga cabsi qabo inay tirada dhimashada sii korodho, iyadoo dad badan ku hoos xaniban yihiin Tareenka qalibmay.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha Pakistan, Imran Khan waxa uu ka tacsideeyey dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay shilkaasi, isagoo u tacsideeyey qoysaska dadkii ku geeriyooday Shilka Tareen.

Qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa waxa uu ka codsaday Wasiirka Tareenada inuu degdeg u booqdo goobta uu shilku ka dhacay iyo inuu hubiyo in Taageero Caafimaad la siiyey Dhibanayaasha dhaawacmay iyo in la caawiyo qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen shilkaasi.

RW Pakistan waxa kale oo uu amray in Baariaan dhab ahj lag sameeyo badqabka waddada Xadiidka ee ay Tareenada adeegsadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here