Akhriso:-Guddiga Doorashooyinka Somaliland Oo Digniin Soo Saaray

0
317

Akhriso:-Guddiga Doorashooyinka Somaliland Oo Digniin Soo Saaray

Guddiga Komishinka doorashooyinka Somaliland ayaa soo saaray Digniin cusub oo ku socota Mas’uuliyiinta Somaliland iyo Madaxda Xisbiyada ku tartamaya doorashooyinkii maalin kahor ka dhacay halkaas.

Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in natiijada doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo deegaanka Somaliland aysan shaacin karin cid aan ka tirsaneyn Guddiga Komishinka.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in natiijada looga dhawaaqi doono degmooyinka iyo Gobolada, isla markaana ay ku dhawaaqi doonaan Guddiga Komishinka, iyagoona xusay in arrintaas ay xaq u leeyihiin Guddiga oo kaliya.

“Sida Xeerka doorashadu dhigaayo Natiijooyinka waxaa loogu dhawaaqayaa heer degmo iyo Gobolada, kuwaasoo intoodaba ku-dhawaaqistooda uu gaar u leeyahay Komishanku, cid kastoo aan Komishanka ahaynina aaannay xaq u lahayn arrimahaas.” ayaa lagu yiri Qoraalka Guddiga.

Sidoo kale Guddiga Komishinka doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo isku dayda inay sheegto Natiijo, isla markaana xusay in Digniinta ay sigaar ah ugu socoto Mas’uuliyiinta Somaliland iyo Madaxda Xisbiyada.

“Cidii isku dayda aarimahaasi waxay galaysaa xad-gudub sharci waxaana laga qaadi doonaa Tallaabo sharciga waafaqsan, si gaar ah waxaa Digniintan loogu socodsiinayaa Mas’uuliyiinta Dawladda & Axsaabta” ayaa la sii raaciyay Qoraalka.

Si kastaba Deegaanada iyo Gobolada Somaliland ayaa waxaa ka socota tirinta codadkii ay dhiibteen shacabka Somaliland oo ay ku dooranayeen 82 Xildhibaan oo u tartamaya Baarlamaanka iyo 249 Golaha guurtida ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here