Madaxweynaha Puntland Oo Isku Diiwaan-Geliyay Codeynta Doorasho

0
330

Madaxweynaha Puntland Oo Isku Diiwaan-Geliyay Codeynta Doorasho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay gaareen Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Ujeedka Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa uu yahay sidii uu tababar ugu soo xiri lahaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliiska Puntland oo ku sugan Xerada Tababarka Ciidanka ee Xorgoble Qardho.

Madaxweynaha Puntland ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale iska diiwaangeliyay xaafadda Kaambo ee degmada Qardho si uu u codeeyo doorashada goleyaasha deegaanka ee soo socota.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Guddiga Doorashada iyo guud ahaan Howlwadeenada diiwaangelinta, Ciidamada amniga sugaya iyo saxaafada. Wuxuuna ku dhiirigeliyay qeybaha kala duwan ee bulshada in laga wada qeybqaato hirgelinta qorshaha Maamulka ee ah in awooda shacabka loo dhoweeyo oo shacabku ay madaxdooda doortaan.

“Hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo hadda guuleystay, wuxuu ka mid ahaa yoolashii uu ballan qaaday Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, Bulshada Puntland ayaana aad usoo dhoweysay in laga dhabeeyay nidaamka doorasho ee hal qof iyo hal cod” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here