Shacabka Somaliland Oo Saaka U Dareeray Goobaha Codbixinta Doorashada

0
365

Shacabka Somaliland Oo Saaka U Dareeray Goobaha Codbixinta Doorashada

Waxaa saakay deegaanada Somaliland si rasmi ah uga bilowday doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo ay ku tartamayaan 82 Xildhibaan oo Baarlamaanka ah iyo 249 Golaha guurtida.

Dadweyne farabadan ayaa safaf dheer u galay goobaha ay ka socoto Codbixinta oo kala yaalla Gobolada Maroodi-Jeex, Toghdeer, Sanaag, Soo, Awdal iyo Saaxil, waxaana dadka ay u Codeynayaan Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

In ka badan hal malyan oo qof ayaa dhiibanaya codadkooda, iyadoona goobaha codbixinta ay gaarayaan 2,709, waxaana siweyn loo adkeeyay amniga, sidoo kalena goobaha la geeyay Ciidamo badan.

Doorashada ka dhaceysa deegaanada Somaliland ayaa waxaa ku baxaya Qarash dhan ah 25 malyan oo dollar, waxaana Somaliland ay bixineysaa boqolkiiba 80, halka Midowga Yurub iyo Taiwan ay bixin doonaan 20 boqolkiiba.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa shacabka ugu baaqay inay si nabad ah u dhiibtaan codadkooda, wuxuuna dhalinayarada ka dalbaday inay si gaar ah isaga xil saaraan amniga, lana shaqeeyaan hay’addaha amniga.

Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu ka Codsaday dhammaanba xubnaha murrashaxiinta ah ee ka qaybgelaya doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka inay u hoggaansamaan natiijada soo baxda, una turaan nabadgelyadaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here