Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Doorashooyinka Somaliland Codsina Diray

0
367

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Doorashooyinka Somaliland Codsina Diray

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qaybaha kala duwan ee shacabka Somaliland u diray farriin la la xiriirta doorashooyinka ee goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo maalinta berri ka bilaabaya halkaas.

Muuse Biixi ayaa ugu baaqay inay bulshadu si nabad ah u codayso, isaga oo guul taariikhi ah ku tilmaamay in si nabadgelyo ah lagaga soo gudbay ololihii doorashada iyo waqtiyadii diyaar garowga ee ka horreeyey.

Madaxweynuha ayaa ugu mahadnaqay Shacabka Somaliland iyo hay’adaha kala duwan oo ay saddexda xisbi kamid yihiin ugaga mahadnaqay sidii ay qaybta uga ahaayeen hirgelinta doorashadan, isaga oo xildhibaannada golaha wakiillada ee xilku kasii dhammaanayo bogaadiyay.

“Doorashada waxaynu ka doonaynaa in Somaliland taladeedu mid noqoto oo gobol kasta iyo cid kasta oo deggen iyo qof kasta oo Somaliland ah ka u bariyeeya iyo ka u galbeedeeya waxanu doonaynaa inay talo midaysan, iyo ujeeddo midaysan, horumar midaysan iyo wax wada qabsi midaysan yeeshaan, waxana ay ku yeelanayaan in Dawlaha Hoose ee magaalo maamulaya dadku wada doorto oo haddii ay wax qalloociyaan la wada qaban karo”ayuu yiri Muuse Biixi.

Dhallinyarada ayuu Madaxweynuhu ka dalbaday inay ka shaqeeyaanilaalinta nabadgelyada maalinta doorashada, uuna waajib ka saaran yahay, wuxuuna shacabka u sheegay in safiirradii iyo Diblomaasiyiintii Yurub iyo Maraykanka u fadhiyey dalalka Bariga Afrika iyo siyaasiyiin badan oo Somaliland u tageen qiimeynta doorashada.

“Waxa hubaal ah in markaynu doorashadaas nabadgelyo ah ku dhammayno ee aynaan eegin qalad yar oo dhacay, waxa hubaal ah in qof kasta oo adduunka kamid ahi uu halkeenna inoogu iman doono, qof kastaana marka uu is sharfo ee uu qiimo isu yeello ayaa la ina qiimaynayaa, la inagu qiimayn maayo baryo, la inagu qiimayn maayo waannu is haynaaye kaalaya na kala qabta’e waxa la inagu qiimaynaa shaqsinimadeenna”.

Ugu dambayntii, madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi waxa uu baaq u diray dhammaanba xubnaha murrashaxiinta ah ee ka qaybgelaya doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana uu ugu baaqay inay u hoggaansamaan natiijada soo baxda, una turaan nabadgelyadaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here