Ciidamada dawladda Soomaliya oo Dab Qabad Siiyay Maxkamad Al Shabaab ku Lahayd Shabeelaha Dhexe

0
363

Ciidamada dawladda Soomaliya oo Dab Qabad Siiyay Maxkamad Al Shabaab ku Lahayd Shabeelaha Dhexe

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolka Dhexe.

Howlgalka ayaa waxaa lagu burburiyay maxkamad ay Al-shabaab ay ku leeyihiin deegaanka War-ciise ee gobolka shabeellada dhexe.

Sidoo kale ciidamada xoogga ayaa la wareegay deegaanada kala ah War dhagax, War ciise, Gaal leef, Qoor dheere, Jilable iyo Cali Fooldheere,oo katirsan gobolka shabeelada dhexe, iyadoona halkaasi ay Al-shabaab ku lahaayeen xarumo ay lacag ugu qaadaan dadka shacabka.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa sheegay in dab qabadsiiyeen xarumihii Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Warciise ee gobolka shabeellada dhexe.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odawaa Yuusf Raage.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare Cali Xaashi ayaa Idaacadda ku hadasha afka Ciidmadda Qalabka Sida u sheegay in ciidanka xoogga dalka ay ku guuleysteen in Al-shabaab ay ka saaraan deegaanada ay howlgalka ka wadaan, islamarkaasna Al-shabaab halkaasi lagu gaar siiyay khasaaro lixaad lixaad ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here