Kenya Oo Degaan Cusub Ka Samaysaneysa Xuduudka Somalia

0
322

Kenya Oo Degaan Cusub Ka Samaysaneysa Xuduudka Somalia

Dowladda Kenya ayaa ku hawlan dhismaha Xaynaab ka kooban Biro shub ah iyo silig Danabaysan oo ay ka dhisayso Xuduudka ay Somalia la wadaagto, iyadoo Mashruucaasi oo la bilaabay sanadkii 2015-kii ay ku kici doonto lacag dhan 3.4 Billion oo Dollar.

Dhowr sano ayey qaadan doontaa si loo dhamaystirto dhismaha Xayndaabkaasi. Qorshahaasi ayaa waxaa ay sheegtay inuu qeyb ka yahay dadaalka Kenya ay kaga gaashaaman doonto weerarada qorsheysan ee ay Dagaalamayaasha Al-shabaab ka fuliyaan gudaha dalkaasi.

Kenya ayaa waxaa kaloo qorshaha ugu jira inay Baro Waaxda Dhismaha Xayndaabkayaa inuu ku nooc noqdo Xayndaabka Israel ka dhistay dhulalka Reer Falastiin ee Daanta Galbeed ee ay Israel haysto oo kale.

Xayndaabka Kenya ka dhisayo 700 KM oo ka mid ah xuduudka Soomaaliya la wadaagto waxaa kaloo la sheegay in laga hirgelin doono Baro dhanka Socdaalka iyo Canshuuraha, iyadoo lagu raki doono Kamerooyinka Qarsoon ee CCTV Cameras.

Mashruucaasi ayaa waxaa kale oo uu ka kooban yahay ugu yaraan 22 Bar Kontoroolka Xuduudka oo ay ka hawlgeli doonaan Ciiddamo aad u qalabaysan, si ay uga hortagaan weerar kasta.

Saraakiisha Kenya waxay kaloo sheegeen in marka la dhamaystiro Dhismahaasi inay Kooxaha Ammaanka lagu ballaarin doono ilaa masaafo gaaraysa 40-KM si ay degdeg uga fal-celiyaan weerarada kaga yimaada xuduudka Somalia.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray in dad xog u haya Mashruucaasi sheegeen inay Dowladaha Maraykanka iyo Britain ka taageerayaan Kenya sidii loo dhamaystiri lahaa Xayndaabka laga dhisayo Xuduudka Kenya la wadaagto Somalia.

Dowladda UK waxay dhawaan Kenya ugu deeqeen 7 Kontaynar oo ay ka buuxan qalabn loo isticmalo Baraha Boliska.

Kontaynaradaasi ayaa la sheegay in loo isticmaali karo Gabaad sidii Xabbad-celiye oo kale, iyadoo Kontaynaradaasi laga sameeyey qalabka laga farsameeyo Gaadiidka Gaashaaman. Kontaynaradaasi ayaa la sheegay in jebintooda laga yaabo inay qaadato ilaa 10-saacadood si loo burburiyo.

Dhinaca kale, Dowladda Maraykanka waxay Kenya ugu deeqday 39 gaadiidka loo yaqaano 4 wheel drive cars, kuwaasi oo awood u leh inay ka gudbaan waddooyinka bacaadka miiran iyo kuwa qarda-jeexa ee Rafka ah.

Gaadiidkaasi waxaa la sheegay inay adeegsan doonaan Maamulka Boliska Kenya ee u xil-saaran Ilaalaynta Xuduudka. Koox ka kooban in ka badan 200 Ciiddanka Khaaska ee Kenya ayaa la sheegay in loo daad-gureeyey Deegaanka Xuduudka, si ay taageero uga geystaan ka-hortaga cabsida sii kordhayso ee weeraradda Alshabaab.

Kenya waxay Ciiddankeeda soo galeen Somalia bishii October 14-dii ee sanadkii 2011-kii, iyadoo Dowladda Kenya xilligaasi sheegtay inay Dagaalamayaasha Alshabaab khatar ku yihiin Ammaanka, Dalxiiska iyo Dhaqaalaha dalkooda.

Dagaalamayaasha Alshabaab waxay iyagana wacad ku mareen inay sii wadi doonaan Weerarada ka dhanka ah Kenya, tan iyo inta ay Dowladda Kenya ciiddankeeda kala baxayso gudaha dalka Somalia.

Si kastaba ah ahaatee, Dowladda Federalka ayaan ku baraarugsanayn Dhacdooyinka ku soo kordhay Khatarta Dowladda Kenya ku dhisayso Xayndaabka Xuduudka iyo inay dhul aysan cidna lahayn ka sameeystaan Xuduud-beenaadka, iyadoo ay horey Kenya ugu hawlanayd sheegashada Lahaanshaha qeybo ka mid ah Baddeenna.

W/Q: Ustaad Nuradin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here