Somaliland: Laba Carruur Ah Oo Ku Dhintay Goob Biyo-fadhiisin Ah Oo Ku Taalla Degmada Axmed Macalin Haaruun Ee Hargeysa

0
356

Somaliland: Laba Carruur Ah Oo Ku Dhintay Goob Biyo-fadhiisin Ah Oo Ku Taalla Degmada Axmed Macalin Haaruun Ee Hargeysa

Laba Carruur ah, ayaa ku Geeriyooday Degmada Axmed Macalin Haaruun ee Magaalada Hargeysa.

Labada Carruurta ah oo Wiilal ahaa, ayaa ku Geeriyooday Goob Biyo-fadhiisin ah oo ay ku dhaceen, sida ay Ciidammada Dab-damiska oo halkaa ka soo saaray u sheegeen.

Labada Carruurta ah ayaa Ciidanka Dab-damisku da’dooda ku qiyaaseen 12 illaa 13 Sano jir.

Dab-damisku wuxuu sheegay in markii ay labada Carruurta ah soo saareen ay ku wareejiyeen Ciidammada Booliska oo baadhaya sida shilkani u dhacay.

Maalmaha Roobku da’ayo ayaa Maamulka Magaaladu waxay Dadka uga digeen Goobaha Biyo-fadhiisinka ah iyo Biyo-mareennada oo khatar keeni kara.

Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here