Dowlada Maraykanka Oo Cunaqabatayn Dhaqaale Ku Soo Rogtay Somaliya

0
399

Dowlada Maraykanka Oo Cunaqabatayn Dhaqaale Ku Soo Rogtay Somaliya

Dowladda Maraykanka ayaa ka dhabeysay Goodintii ku aadanayd inay Cunaqbatayn ku soo rogi doonaan Dowladda Soomaaliya , kadib, Qalalaasaha Colaadeed ee ka dhashay Muddo-kordhintii labada sano ee uu Madaxweyne Farmaajo saxiixay.

Qoraal la soo dhigay Websit-ka Waaxda Maaliyadda ee Dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Somalia lagu daray Liiska Dalalka lagu soo rogay Cunaqabateynta dhinaca Dhaqaalaha ah.

Qoraalka waxaa lagu muujiyey in Liiska dalalka Cunaqabateynta la saaray Soomaaliya lagu daray uu bilaawday talaadadii la soo dhaafay ee Todobadkaan oo ay taariikhdu ahayd 27-kii April ee sanadkan 2021-ka.

Xafiiska Waaxda Maaliyadda Maraykanka ugu qaabilsan Xakameynta Hantida Shisheeyaha ayaana inta badan soo bandhigta Liiska dalalka lagu soo rogo Cunaqabataynta Dhaqaale.

Bishan April oo keliya ilaa 5 Waddan ayey Dowladda Maraykanka ku soo rogtay Cunaqabatayntaasi, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Somalia, Syria, Sudan, Koonfurta Sudan iyo Raashiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here