Maxaa Kasoo Baxay Kulankii RW Rooble & Midowga Musharixiinta?

0
290

Maxaa Kasoo Baxay Kulankii RW Rooble & Midowga Musharixiinta?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan la yeeshay madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle iyo Midowga Murashaxiinta.

Kulanka waxaa looga hadlay in laga wada shaqeeyo amniga iyo xasilloonida caasimadda iyo in laga shaqeeyo sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho si waafaqsan heshiiskii 17-kii September.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa ka warbixiyay kulanka, waxaana uu faah faahiyay qodobadii la isku af-gartay ee lagu heshiiyay, kuwaasi oo sido uu sheeegay in ay guul kusoo dhamaadeen,

Waxaa uu intaas ku daray Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala in laga wada shaqeyndoono sidii xal loogu heli lahaa in mar kale magaalada ka dhicin wax rabshado ah iyo dagaallo mar kale soo laabta.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in mas’uuliyiinta xalay shirtay ay isla qaateen sidoo kale laga shaqeeyo xasiloonida caasimada iyo sidii ay dib ugu soo noqon lahaayeen guryahooda dadkii ka barakacay magaalada ee ay saameeyeen qalalaasihii dhawaan dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here