DEG DEG : Qarax saaka ka dhacay magaalada Muqdisho

0
337

DEG DEG : Qarax saaka ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax loo adeegsaday baabuur lagu soo raray walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay albaabka hore ee Xerada Asluubta oo u dhaw Ex Control Afgooye iyadoo qaraxuna uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal katirsan Dowladda ayaa sheegay in gaariga qarxa uu ku dhacay darbiga xarunta Asluubta, waxyeelada ka dhalatayna ay gaartay dad shacab ah oo goobta ka dhawaa.

Sidoo kale sarkaalka ayaa sheegay in ujeedka qaraxa uu ahaa in gaariga uu gudaha u gala xerada ciidamada Asluubta balse uu soo dhaafi waayay darbiga oo aad u adkaa awgeed.

Ururka Alshabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen qaraxa ayna ku dileen ciidamo badan oo ka tirsan kuwa asluubta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here