Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta Oo Amar Siiyay Ciidamada Dowladda

0
264

Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta Oo Amar Siiyay Ciidamada Dowladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay dagaaladii shalay iyo xalay ka dhacayay Muqdisho ee u dheexeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Milateri ah oo kasoo horjeeda muddo kordhinta loo sameeyay Farmaajo.

Rooble oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa waxaa uu sheegay inay ka xun yihiin dhacdooyinkii ka dhacay Muqdisho oo lagu khalkhalgelinayey ammaanka Caasimadda, iyadoo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta dadka iyo dhinacyada ku lugta lahaa rabshadahaasi ugu baaqay in nabadda la dhawro, isla markaana loo turo shacabka Soomaaliyeed

“Waxaa farayaa cid walba in nabadda la ilaaliyo oo la wada dhowro, bulshadana loo turo, dowladdu waxay aaminsan tahay in wada hadal iyo is afgarad uu yahay jidka ugu habboon ee wax kasta lagu xalin karo, howshaas oo aan bilaabay anigoo rajeynaya in aan ku guuleysanayo” ayuu yiri Rooble.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray ciidamada qaranka iyo laamaha ammaanka inay gutaanka waajibkooda sharciga ah ee ilaalinta nabadda iyo badqabka Shacabka, isagoona Ciidanka ku adkeeyey inay ka hortagaan khatar walba oo damacsan yahay.

Rooble ayaa ku celiyey in xukuumaddu ay aaminsan tahay in wadahadal keliya lagu xallin karo arrimaha taagan, isagoo tilmaamay in dadaalada wadahadalada uu isagu horay u bilaabay ay xukuumaddu sii xoojin doonto, isla markaana uu ku raja-weyn yahay in dhammaan tabashooyinka jira guul iyo isfaham laga gaari karo.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaaladii shalay ilaa iyo xalay Ciidamada dowladda iyo kuwa Maiteriga ee kasoo horjeeda muddo kororsiga Farmaajo ku dhexmaray degmooyinka Cabdicaiis, Howlwadaag, Hodan iyo xaafaddo kale oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here