Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Guddiga Doorashada?

0
315

Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Guddiga Doorashada?

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay xubnaha Guddida doorashooyinka Somaliland, kulankaas oo diiradda lagu saaray habsami u socodka qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

Ugu horrayn Guddida doorashooyinka ayaa waxaa ay Madaxweynaha Somaliland, warbixin ka siiyeen qaban-qaabada iyo hirgelinta howlaha wakhtigan socda ee qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka oo maraya meel muhiima, iyagoo xusay in hawlaha u diyaar-garawga doorashooyinku u socdaan sidii loogu tallo-galay, kuna qabsoomayaan xilligii hore la isula qaatay.

Sidoo kale waxa kulankaas lagaga wada hadlay kharashaadka ku baxaya doorashooyinka iyo ilaa hadda wixii ku baxay, si looga diyaar garoobo arrimaha dhaqaalaha ee doorashooyinka ku baxaya.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa uu Guddiga doorashooyinka ku bogaadinyey shaqadooda, wuxuuna ku adkeeyay in doorashooyinku ku qabsoomaan muddadii lagu heshiiyey, isagoo kula dardaarmay in masiirka ummadda iyo amniga dushooda saaranyahay, loona baahan yahay dedaal iyo xilkasnimo dheeraada inay iska saaraan hawlahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here