Nin qirtay inuu boqoradda UK ka xaday sawirro

0
404

Nin qirtay inuu boqoradda UK ka xaday sawirro

Nin ka shaqeynayay qeybta adeegga cuntada ee qasriga boqortooyada UK, Buckingham Palace, ayaa qortay inuu meesha ay boqoradda daggan tahay ka xaday billado iyo sawirro.

Adamo Canto, oo 37 jir ah, wuxuu isagoo hor taagan garsoorka maxkamadda Westminster sheegay inuu qirsan yahay saddex dambi oo xatooyo ah, kuwaasoo uu geystay intii u dhaxeysay 11-kii bishii November ee sanadkii 2019-kii ilaa 7-dii bishii August ee sanadkan 2020-ka.

Booliska ayaa alaab “xaddigeedu badan yahay” oo uu xaday ka helay meesha uu ka joogay dhismaha boqortooyada ee qasriga Buckingham.

Canto, oo kasoo jeeda magaalada Scarborough, ee Waqooyiga Yorkshire, waxaa xukunkiisa looga dhawaaqi doonaa maxkamadda Southwark Crown.

Intii uu jiray cudurka safmarka ah ee Covid-19, Canto waxaa laga baddalay shaqadii uu horay u qaban diray, doorka cusub ee loo dhiibayna waxaa ka mid ahaa nadaafadda, isagoo sidaas darteed awood u helay inuu galo xafiisyo ka mid ah qasriga oo markii hore uusan gaari karin, sida ay maxkamadda dhageysatay.

Qaar ka mid ah alaabta uu ninkan xaday waxaa lagu qiimeeyay inta u dhaxeysa £10,000 iyo £100,000 oo gini, waxaana horay u iib geystay shirkadda eBay, sida uu garsoorka amxkamadda u sheegay dacwad ooge lagu magacaabo Simon Maughan.

“Isku darka 37 sheey ayaa lagu daray alaabta la iibinayay, waxaana qiimahooda saxda ah ogeyd shirkadda eBay,” ayuu yidhi Mr Maughan.

Wuxuu intaas ku daray in Canto uu qaadanayay £7,741 oo gini.

Mid ka mid ah sawirrada wuxuu ahaa mid xasuus u ah boqortooyada oo laga qaaday madaxweyne Donald Trump markii uu booqday UK, waxaana qiimihiisa lagu sheegay £1,500.

Canto wuxuu sidoo kale qaatay sawirro saxiixan oo ay leeyihiin amiirka Sussex iyo amiirka iyo amiiradda Cambridge.

Maxkamadda waxaa loo sheegay in alaab gaareysa 77 laga qaaday dukaan ku dhex yaalla qasriga, halka kuwo kalena laga xaday meelo ay ka mid yihiin sanduuqyada shaqaalaha, goobta gaarka u ah Boqoradda iyo qolka sharraxaadda ee amiirka York.

Canto wuxuu qirtay inuu xaday qalab uu leeyahay mas’uulka dhismaha, kaasoo internet-ka lagu iibiyay qiimo dhan £350.

Bayaan uu soo saaray ku xigeenka madaxa maamulka dhismaha, Tony Johnstone-Burt, ayuu ku sheegay in markii ugu horreysay uu qalabkaas oo billad ah tabay maadaama uu doonayay inuu usoo xirto kulanka boqoradda, goor dambena ay shaqaalaha u sheegeen in internetka lagu iibinayo alaabtii la xaday.

Canto wuxuu sidoo kale billadda taliyaha boqortooyada ka xaday sanduuq uu lahaa sarkaal horay uga tirsanaa milatariga Britain ee lagu magacaabo Gen Richard Sykes, kaasoo ay boqoradda siisay sanadkii 2010-kii.

Garsooraha maxkamadda degmada, Alexander Jacobs, ayaa Canto ku sii daayay damiin ay shuruudo ku xiran yihiin, wuxuuna ka digay inuu wajihi doono xukun xabsi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here