Ciidamo Lagu Wareejiyay Amniga Xarunta Barlamaanka Puntland + Sababta

0
399

Ciidamo Lagu Wareejiyay Amniga Xarunta Barlamaanka Puntland + Sababta

Kadib markii maalmo kahor Xildhibaano ka tirsan Maamulka Puntland ay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni u gubiyeen Cabsho ku aadan in Xarunta Baarlamaanka Puntland la geeyo Ciidamo suga amniga ayaa waxaa arrintaas ka Jawaabay Maamulka.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay si rasmi ah loogu wareejiyay amniga Xarunta ay ku shaqeeyaan Xildhibaanada Baarlamaanka ee Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Xildhibaano la hadlay warbaahinta ayaa waxaa u sheegay in Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil uu Xarunta Baarlamaanka keensaday Ciidamo ay ku sheegeen inay yihiin Maleshiyaad isaga ka amar qaata, isla markaana Guddoomiyaha kaliya u adeega.

Waxaa kaloo Guddoomiyaha ay ku tilmaameen inuu Xildhibaannada qaarkood u adeegsaday Ciidankiisa, taasina ay tahay arrin aan laga aqali karin, Madaxweyne Saciid Deni ayey ugu baaqeen in Xarunta Baarlamaanka uu keeno Ciidamo gaar ah oo ilaaliya.

Xildhibaanada Puntland ayaa Guddoomiye Cabdirashiid Jibriil ku eedeeyay inuu laba u kala qeybiyay Mudanayaasha, iyagoona ugu baaqay inuu xilka iska Caslio, kadib markii  Xildhibaanada iyo Guddoomiyaha uu khilaaf soo kala dhex-galay.

Dhawaan ayaa lagu kala tegay kulan u socday Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, kaasi oo Ajendihiisu ahaa la xisaabtanka Golaha Wasiirada Maamulkaas, hayeeshee buuq iyo fowdo hareeyay ayaa markii dambe keentay in kulanka lagu kala tego.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here