Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Dil Iyo Dhaawac Loogu Geystay K/Africa

0
347

Muwaadiniin Soomaaliyeed Oo Dil Iyo Dhaawac Loogu Geystay K/Africa

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in muwaadiniin Soomaaliyeed dil iyo dhaawac loogu geystay gudaha dalka Koonfur Africa iyada oo warar kala duwana ay kasoo baxayaan.

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaa ciidamo ka tirsan kuwa boliiska ayaa jirdil xoogga u geystay ganacsade Soomaaliyeed taas oo sababtay in uu u geeriyoodo jirdilkaas.

Warar kale oo la helayo ayaa tilmamaya in sababta ka dambeysa dilka ganacsadahaas Soomaaliyeed in ay tahay dadka Soomaalida oo aan u hogaansamin amarka bandowga lagusoo rogay dalkaas.

Dhinaca kalana koox burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa dhaawac u geystay ganacsade Soomaali ah waxaana lagu dabiibayaa mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here