Madaxweyne Biixi Oo La Filayo Inuu Mar Kale Golaha Wakiilada Isugu Yeedho Si Loo Horgeeyo Labadii Xubnood Ee Komishanka
Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu mar kale isugu yeedho Xildhibaannada Golaha Wakiillada, si loo hor-geeyo labadii Xubnood ee xisbiyada WADDANI iyo UCID u Matalaya Komiishanka cusub ee Qaranka oo ay goluhu hore u diideen.
Ma jiro war rasmiya oo ka soo Xafiiska Madaxweynaha iyo dhinacyada Arrintani khusayso, balse Ilo-wareedyo ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Madaxweynuhu uu isugu yeedhayo Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, si mar kale loo hor-keeno Xubnaha Xisbiyada Mucaaradka ah u matalaya Komiishanka, si loo ansixiyo.
Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyeyaasha labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa Maalmihii u dambeeyay yeelanayey kulamo xidhiidh ah, kuwaasi oo lagaga wada-hadlayey sidii golaha wakiilada looga hawlgeli lahaa si ay u ansixiyaan labada xubnood.
Fadhiga aan Caadiga ahayn ee la sheegay in Madaxweynuhu isugu yeedhayo Wakiillada, ayaa qayb ka ah waxyaabihii ay Madaxweynaha iyo Hoggaamiyeyaasha Axsaabtu kaga wada-hadleen kulamada ay yeesheen.
Cabdikariin Yaasiin Sheekh Dalmar oo WADDANI u soo Magacaabay inuu u matalo Komiishanka cusub ee doorashooyinka iyo Cabdifataax Ibraahim Xasan oo UCID soo Magcaabay ayaa hore loo hor-geeyay Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, balse midkoodna ma helin Codadkii uu ku ansixi lahaa, balse Madaxweyne Biixi ayaa wakhtigaa sheegay inuu dib ugu celinayo Golaha Wakiillada.
Geeska