Ciyaartoy geeriyooday kaddib markii uu istaagga ka dhacay isagoo garoonka ku jira
Xiriirka Kubadda Cagta ee dalka Nigeria (NFF) ayaa hakiyay tartankii ciyaaraha, iyagoo sheegay in la hubin doono adeegyada caafimaad ee dhammaan kooxaha ka tirsan horyaalka dalkaas kaddib markii uu maalintii Axadda ahayd geeriyooday ciyaartoy garoonka ku jiray.
Chineme Martins, oo 22 jir ah ayaa istaagga ka dhacay xilli uu u ciyaarayay kooxdiisa Nasarawa United.
Martins ayaa mar qura miyir daboolmay, isagoo uusan ciyaartoy kale la joogin, markii ay ciyaarta mareysay qeybtii labaad.
Kooxda Nasarawa ayaa markaas la ciyaareysay kooxda kale ee lagu magacaabo Katsina United.
“Ciyaartoyga waxaa adeeg caafimaad u fidiyay dhakhaatiirta labada kooxood … Markii dambena waxaa loola cararay isbitaalka Dalhatu-Araf Specialist ee magaalada Lafia, halkaasoo ugu dambeyntii lagu shaaciyay inuu geeriyooday”, ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray maamulka xirfadleyda Horyaalka Kubadda Cagta ee Nigeria.
Meydkiisa ayaa lagu sameeyay baaritaan, si loo ogaado sababta keentay dhimashadiisa.
Hase ahaatee Xiriirka Kubadda Cagta Nigeria ayaa sheegay in aan ciyaar kale la qaban doonin ilaa laga xaqiijiyo in dhammaan kooxaha ay heystaan qalab caafimaad oo dhammeystiran, sida uu qabo sharciga ciyaaraha ee dalkaas.
Dad goob joogayaal ah ayaa laanta ciyaaraha ee BBC-da u sheegay in laga daahay in Martins loola cararo isbitaalka, maadaama uu gaarigii Gurmadka degdegga ah cillad yeeshay.
Kooxda uu ciyaartoyga ka tirsanaa ee Nasarawa United ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin dhacdadan.
Chineme Martins ayaa xilli ciyaareedkan afar jeer u saftay kooxdiisa.
Wasiirka Ciyaaraha ee Nigeria, Sunday Dare ayaa geerida Martins ku qeexay “mid laga qoomameeyo oo laga hortagi karay”, wuxuuna intaas ku daray “in Wasaaraddu ay Xiriirka Kubadda Cagta la kaashan doonto howlaha lagu wajahayo baaritaannada la xiriira dhacdadan”.
Waa markii labaad oo ay taageerayaasha magaalada Lafia la kulmaan musiibo.
Bishii December ee sanadkii 2018-kii xiddiggii kooxda Kano Pillars, Dominic Dukudod, ayaa istaagga ka dhacay, oo geeriyooday, isagoo isku kululeynaya ciyaar saaxiibtinnimo ah oo ay la yeelanayeen kooxda Nasarawa United qudheeda.