Dadweynaha magaalada Mandera oo bilaabay in guryahooda ay isaga Qaxaan

0
673

Dadweynaha magaalada Mandera oo bilaabay in guryahooda ay isaga Qaxaan

Xiisad colaadeed ayaa waxay ka taagan tahay xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya taasi oo sii xoogeysatay saacadihii la soo Dhaafay.

Shacabka magaalada Mandera oo saameyn ay ku yeelatay xiisada ayaa bilaabay in ay ka barakacaan guryahooda si aysan saameyn ugu yeelan Colaada.

Deegaanada Takaba, Carabiya, iyo Raamu ayaa ah meelaha ay dadka u qaxayaan, qaxayaan jimcaha Maanta.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa kadib markii ciidan xoogan oo ka tirsan kuwa Jubbaland ay gaareen maalintii shalay magaalada Mandera.

Maalintii Isniinta ayaa dagaal u dhaxeeya ciidanka uu horkacayo wasiir amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan iyo milatariga dowlada ay isku farasaareen xadka labada wadan u Dhaxeeya.

Si kastaba ha ahaate waxaan la ogeyn halka ay xaalada ku danbeyn Doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here