Imaaraadka Oo Joojiyay Saldhigii Milateri Ee Uu Ka Dhisayay Berbera

0
383

Imaaraadka Oo Joojiyay Saldhigii Milateri Ee Uu Ka Dhisayay Berbera

Wargeyska The National ee ka soo baxa Magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa qoray in la joojiyay Saldhigii milatari ee Imaaraadka ka dhisanaayay Magaalada Berbera ee Soomaaliland.

Wargeyska oo warbixin ka qoray Maalgashiga ay dawladda Imaaraadla ku samaynayso qaaradda Afrika, ayaa wuxuu si kooban u sheegay in saldhigaas milatari la joojiyay, In kastoo faah faahin intaas ka baxan uusan bixin.

“Imaaraadka Waxay saldhig milatari ku leeyihin Ereteriya ilaa sannadkii 2015, laakiin qorshe lagu doonayay saldhig kale oo Somaliland ah ayaa la joojiyay.” Ayuu yiri Wargeyska The National.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhamaadka sanadkii tegay ee 2019 sheegay in la joojiay dhismaha Saldhig milatari oo ay Dowladda Imaaraadka Carabta ka dhisaneysay Magaalada Berbera, isla markaana loo bedelay dhismo Garoon diyaaradeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here