Soomaali Badan Oo Ku Xayirnaa Yemen Oo Dib Loogu Soo Celiyay Dalka

0
494

Soomaali Badan Oo Ku Xayirnaa Yemen Oo Dib Loogu Soo Celiyay Dalka

134 qof oo Soomaali oo muddooyinkii dambe ku xayirnaa dalka Yemen ayaa waxaa dib loogu soo celiyay gudaha dalka Soomaaliya sida ay sheegtay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM.

Hay’adda IOM qeybteeda Soomaaliya ayaa sheegtay in dadkan ay kasoo daabushay Yemen ay isugu jiraan Haween, Carruur iyo dhalinyaro, iyagoona muddooyinkii dambe ku xayirnaa dalkaas.

Sidoo kale dadkaan Soomaalida ah ayaa waxaa Magaalada Cadan looga soo qaaday Doon, waxaana ay kala ahaayeen 73 ruux oo rag ah iyo 61 oo ahaa Dumar, waxaana si nabad ah doonta ay ku keentay Magaalada Berbera ee Somaliland.

Ugu dambeyntii Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa tilmaamtay in lacagta dib loogu soo celiyay 134-ta qof ee Soomaalida ay iyaga bixisay, isla markaana ay ka heshay hay’adda Boqor Salmaan ee dalka Sucuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here