Tiradii Ugu Badneyd Oo Hal Maalin U Dhimatay Cudurka Coronavirus
Dad gaaraya 242 qof ayaa maalintii kahor ugu dhintay xanuunka Corona gobolka Hubei ee dalka Shiinaha, taas oo ka dhigan tiradii ugu badneyd oo maalin qura cudurka Corona ugu dhimatay dalkaas.
Waxaa sidoo kale sare u kacay tirada dadka uu haleelay xanuunka, waxaana lagu soo warramayaa in la daweeyay ku dhawaad 15 kun oo qof. Gobolkan ayaa bilaabay qaab cusub oo lagu la tacaalayo xanuunka, taas oo bannaanka soo dhigtay kiisas badan oo haatan la ogaaday.
Waxaa maalmihii u dambeeyay raja laga muujinayay wax ka qabashada xanuunka, balse kiisaska cusub ee hataan la ogaaday ayaa sii murjiyay xaaladda gobolka Hubei.
Gobolkan aya waxaa ku sugan boqolkiiba sideetan dadka uu ku dhacay xanuunka guud ahaan dalka Shiinaha, maadaama uu markiisi hore ka dilaacay Magaalada Wuhan ee isla gobolkaas.
Qaar kamid ah 242 qof ee u dhintay xanuunka ayaa 135 kamid ah waxay ahaayeen dad laga daweynayay xanuunka oo xaaladooda lala tacaalayay.
Dhanka kale Markab ay saaran yihiin laba kun oo qof ayaa gaaray dalka Cambodia, kadib markii laga soo eryay shan dal, kuwaas oo sheegay inay ka cabsi qabaan in dadka saaran ay qabaan xanuunka Corona.
Inkastoo aanan la xaqiijinin in dadka markabka saaran ay qabaan xanuunka ayaa haddana markabkan oo lagu magacaabo MS Westerdam waxaa uu dalkaas tegay maanta oo khamiis ah, kadib markii dalalka Japan, Taiwan, Guam, Philippines iyo Thailand ay diideen in dadkaas ay kasoo degan markabka oo ay soo galaan dalalkooda.
“Waxaan u heysanay in aan usoo dhawaanay dalalkeena balse uma aanan heysan in nala soo eryayo,” ayuu yiri Angela Jones oo u dhashay dalka Mareykanka, kana mid ah dadka saaran markabka.
Haseyeeshee go’aanka Dowladda Cambodia ay kusoo dhaweysay markabkaas ayaa waxaa soo dhaweeyay hey’adda caafimmaadka adduunka ee WHO.
Dhawaan ay ahayd markii Dowladda Shiinaha ay shaqada ka eriday mas’uuliyiin sarsare, kadib markii ay sheegtay inay ku guuldareysteen wax ka qabashada caabuqa Corona ee ka dilaacay dalkaasi.