Aqalka Cad ee Maraykanka Oo soo saaray war Ka Dhan ah dowladda Ruushka 

0
868

Aqalka Cad ee Maraykanka Oo soo saaray war Ka Dhan ah dowladda Ruushka

Aqalka Cad ayaa soo saaray war ah in dowladda Ruushka ay weli halis ku tahay doorashooyinka mustaqbalka ee Maraykanka, wuxuuna hadalkan soo baxayaa xili hubanti la’aan ay ka jirto hadalo uu horay u yiri madaxweyne Trump oo diiday in Ruushka ay inaba farogalin ku sameeyeen doorashooyinkii Maraykanka ee uu isaga kusoo baxay.

Trump ayaa u muuqday nin dafiraya warbixintii ay soo saareen hay’adda sirdoonka Maraykanka ee sheegay in Ruushka uu farogalin ku sameeyay doorashooyinkii dhacay, kuwa mustaqbalkana uu halis ku yahay.

Balse gabadha ah afhayeenka Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa tiri “Madaxweynaha waxa uu ka shaqaynayaa sidii Ruushka aysan ugu suurtogali lahayn in ay farogaliyaan doorashooyinka Maraykanka sidii ay horey u sameeyeenba”.

Waa maxay hubanti la’aanta jirta?

Donald Trump iyo Vladimir Putin

Saacado ka hor, wariyaha ABC News Cecilia Vega ayaa Trump weeydiisay in Ruushka ay weli bartilmaameedsanayaan doorashooyinka Maraykanka ee soo socda iyo kale, wuxuuna ku jawaabay “Mahadsanid in badan, Maya. Uma malaynayo in taas ay dhacayso”.

Balse afaheenka Sarah Sanders ayaa beenisay in madaxweynaha uu ula jeeday sida loo fahmay hadalkiisa ee ahayd in uusan u malaynaynin in Ruushka farogalin doono doorashada.

Mr Trump ayaa dhawaan magaalada Helsinki kula kulmay madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin, xilli dad badan ay filayeen in uu meel adag iska taagi doono arrimaha Ruushka.

Agaasimaha sirdoonka Maraykanka Dan Coats ayaa xildhibaanada Aqalka Congress-ka u sheegay in uu arkay caddeymo muujinaya in Ruushka ay weli isku dayayaan in ay farogaliyaan dimoqoraadiyadda Maraykanka.

Trump ayaa sheegay in uu Putin kala hadlay arrimaha farogalinta Ruushka ee doorashooyinka, balse waxa uu dhaleeceeyay dadka isaga neceb ee wax ka sheegay kulankii uu Putin la yeeshay, Isaga oo ku sheegay in uu hayo xanuun uu ugu magacdaray “Xanuunka Trump nacayb ah”.

Iyada oo waxan oo dhan ay jiraan, dadka u codeeya xisbiga Jamhuuriga ayaa u muuqda in ay weli taageersanyihiin Trump.

Daraasad ay samaysay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu ogaaday in aysan waxbo iska badalin aragtida dadkii u codeeyay markii horeba.

Maxaa dhacaya hadda ?

Qolkii uu ku jiray Trump ayaa markaliya mugdi noqday

Xildhibaanada Maraykanka ayaa hadda codsanaya in maxkamad ay amarto in lasoo shaax bixiyo qoraaladii laga sameeyay kulanka ee uu sameeyay ninkii turjubaanka ahaa ee Trump la galay kulankii uu la yeeshay Putin.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mike Pompeo ayaa sidoo kale todobaadka dambe la filayaa in uu hortago Aqalka Sare si uu uga jawaabo arrimo ku saabsan shirkii Helsinki.

Nancy Pelosi oo ah hoggaamiyaha xisbiga dimoqoraadiga ee Aqalka Congress-ka ayaa talaadadii isku dayday in Aqalka uu ansixiyo warbixintii hay’adaha sirdoonka ee farogalinta Ruushka, balse waxaa is hortaagay xildhibaanada Jamhuuriga.

Trump ayaa markii uu la kulmay Putin waxa uu shir jaraa’id ka yiri “Dadkayga ayaa ii yimid, waxay dhaheen Ruushka ayaa sameeyay, anigana waxaan la kulmay Putin, wuxuuna yiri Ruushka ma samaynin, anigana waxaan leeyahay: ma garanayo sabab uu Ruushka u noqon karo kan farogalinta sameeyay”.

Hadalkaas ayaa waxaa ka dhashay caro xooggan, waxaana si isku mid ah u dhaleeceeyay xisbiyada kala duwan ee Maraykanka.

Balse Trump ayaa markii dambe sheegay in hadalka uu ka qaloocday, sidii uu ay ahaydna uusan hadalka u oran, wuxuuna sheegay in uu ka waday in uu u malaynayay in Ruushka ay ahaayeen kuwa farogalinta sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here