Madaxweyne Farmaajo oo safarkii u horeeyay ugu ambabaxay dalka Mareykanka [Shirka Qaramada Midoobey

0
464

Madaxweyne Farmaajo oo safarkii u horeeyay ugu ambabaxay dalka Mareykanka [Shirka Qaramada Midoobey

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaasoo uga qeyb galayo shirka sanadlaha ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Ajandeyaasha ugu waaweyn ee Hoggaamiyayaasha Caalamku ay kaga arrinsan doonaan Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa ugu muhiimsan xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahayo argagixisada.

Safarka Madaxweynaha ee Mareykanka ayaa noqoneysa kii u horeeyay ee uu ku tago, isagoo ah Madaxweynaha Soomaaliya, Farmaajo ayaa ku noolaa Mareykanka mudadii burburka dalka ka dhacay, isagoo tagay dalkaas dhammaadkii Sideetameeyadii oo ka howlgalayay Safaaradda Soomaaliya ee Washington.

Ka qeyb galkiisa shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa noqoneysa markii u horeysay, waxaana la xusuustaa in aanu ka qeyb galin shirarkii labadii sano ee la soo dhaafay, gaar ahaan sanadihii 2017 iyo 2018, waxaana bedelkiisa labadaas sano ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horaantii bishii Agosto ee sanadkan ka tanaasulay Baasaboorka dalka Mareykanka ee uu heystay, waxaana dad badan ku tilmaameen tallaabadaas mid gogol xaar u ah tagidiisa dalka Mareykanka, isagoo ah Madaxweyne Soomaaliyeed, maadaama isagoo heysta dhalashada Mareykanka haddii uu tagi lahaa uu la mid noqon lahaa sida muwaadin dalkiisa ku laabtay oo kale, isla markaana aanu heli laheyn wax xasaanad, waana sababta uu labada jeer uga baaqday Shirka Qaramada Midoobey sanadihii 2017 iyo 2018.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here