Banaan bax saakay ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho

0
450

Banaan bax saakay ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho

Darawalada gaadiidka dadweynaha ayaa saakay banaan bax cabasho ah waxa ay ka dhigeen qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana banaan baxan saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka .

Boqolaal kamid ah darawalada gaadiidka dadweynaha ama Bl-ka loo yaqaan ayaa saakay isugu soo baxay wadada wadnaha gaar ahaan agagaarka Afarta Jardiino, waxa ayna darawadalaan mudo kooban xireen isku socodka gaadiidka.

Qaar kamid ah darawaladan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka cabanayaan lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay xili ay horey dhibaatooyin badan ugu qabeen wadooyinka xiran ee magaalada.

Waxa ay sheegeen darawalada in lagu soo rogay in ay bixiyaan lacag gaareysa 100-kun oo Shiling Soomaali ah, waxa ayna tilmaameen in horey u bixin jireen subax kasta 2-Dollar balse hadana lacago kale dheeraad ah lagu soo rogay.

Dowlada iyo maamulka gobolka Banaadir ayey ugu baaqeen darawaladan banaan baxa dhigay in cabashadooda ay wax ka qabato ama ay sameyn doonaan shaqo joojin magaalada laga wada dareemo.

Gaadiidka dadweynaha ayaa horey dhibaato badan ugu qabay wadooyin xiran ee magaalada Muqdisho, gaadiidka ayaana hada kusoo koobmay in xaafado yar yar kaliya ka dhax shaqeeyaan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here