Sarkaal Amisom ka tirsan oo meydkiisa laga helay Magaalada Muqdisho

0
480

Sarkaal Amisom ka tirsan oo meydkiisa laga helay Magaalada Muqdisho

Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa waxaa meydkiisa laga helay Magaalada Muqdisho, iyadoo Sarkaalkan uu u dhashay dalka Uganda.

Edward Bagonza oo ahaa mid ka mid ah Kaaliye-yaasha Taliyaha Booliska Amisom ayaa waxaa meydkiisa laga dhex helay hoy uu ka deganaa Xerada Xalane.

Sarkaalkan ayaa waxaa meydkiisa la helay maalintii Sabtida oo taariikhda ay ku beegneyd 7-da bishan September.

Wax badan lagama garanayo waxa sababay geerida Sarkaalka ka tirsanaa Saraakiisha Ciidamada ee Dowladda Uganda ka joogga dalka Somaliya, balse waxaa socda baaritaan ku aadan waxa uu u dhintay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here