DAAWO : Shirkada Dahabshiil Oo Si Mugle uga qayb qaadatay Carwada Tiknoolajiyada Somaliland

0
544

DAAWO : Shirkada Dahabshiil Oo Si Mugle uga qayb qaadatay Carwada Tiknoolajiyada Somaliland

Shirkada ayaa halkaasi waxaa ay ku soo bandhigay adeegyo cusub oo ay soo kordhisay .

Waxaana ugu horeyn madasha ka Hadley madaxa waaxda Hawl Galinta ee Shirkada SOMTEL Xassan Sheekh Maxamuud Suufi waxaana uu yidhi

“ Runtii shirkad ahaan waxaanu 2011-kii markii ugu horeysay dalka aanu ka hir galinay adeega 3G , 2014-kiina adeega 4G-ga , iminkana waxaanu ku rajo weynahay in aanu ku soo kordhinyo adeega 5G , taas oo wadanka guud ahaantii sumcad weyn u sameyn doonta .

Ka shirkad ahaan maanta waxaanu halkan ku soo bandhigi doonaa Barnaamijyo kala duwan oo ay ka mid yahiin adeeg-yadii shirkada iyo kuwo kale oo cusub oo ay maanta ugu mihiinsan adeeg kuu sahlayaa in adiga oo aduunka meel kasta ka jooga aad maamusho xafiis-kaaga iyo ganacsigaaga , sidoo kale waxaa madasha ku diyaar ah adeeg-yadii kale ee shirkadu qaban jirtay hadii ay noqoto E-Dahab iyo Interner-kii “ ayuu yidhi Xassan Sheekh Maxamuud Suufi .

Geesta Kale Madasha isna waxaa ka Hadley Khadar Cabdiraxmaan Cabdilaahi oo ah madaxa Waaxda arimaha Bulshada ee shirkada SOMTEL waxaana uu si faah faahsan uga war bixiyey adeegyo cusub oo ay shirkadu daah furtay waxaana uu yidhi

“ Waxaan aan jecelahay in aan bulshada halkan ugu soo bandhigo dhawr adeeg oo kala duwan oo shirka SOMTEL ay ku soo bandhigtay carwadan waxaana edeeg-yadaas ka mid ah adeeg aad iyo aad u casri ah oo ah adeeg la yidhaahdo “ REACHME “ waana adeeg aanu ugu talo galnay macaamiisha kala duwan ee gudaha joogta iyo ehelada iyo asxaabtooda dibada joogta in uu isku xidho , waana adeeg fudud oo si lacag la,aan ah oo aan odhan karo waa iska bilaash oo kale ay macaamiishu ula soo hadali karaan eheladooda dalka joogta .

Adeegani waa Application aad galeyso Internet-ka adiga oo kala soo degaya App Store-ka waxaana aad ku isticmaali kartaa Mobile-kaaga iyo Laptop kaaga-ba , waxaana uu adeegaasi ku xisaabin doona lacag yar oo aad u jaban , qofka aad soo waceyso waxaa looga baahan yahay oo kaliya in uu sito khaadh-ka SOMTEL , umana baahna qofkaasi Internet iyo Mobile weyn oo casri ah , qofka dibada jooga oo kaliya ayaa ah qofka la soo degi doona App-kan isla markaana awoodi doona in uu la soo hadalo dhamaan cid kasta oo uu doonaayo oo sidata kaadhka SOMTEL , waxaana aanu jeclnahnahay in ay adeegaas ka faa,ideystaan dadka qurbo jooga ah “ ayuu yidhi

Sidoo kale Khadar oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu dul istaago adeegyo kale oo shirkada SOMTEL soo bandhigtay waxana uu yidhi

“ Shirkadu waxaa ay macaamiisha ay u sameysay qiimo dhimis ilaa boqolkiiba shan iyo labaatan ah 25 % , dhinaca adeega 4G- ga marka ay macaamiishu iibsaneyso , waxaana aanu macaamiisha ugu bushaareynayaa ugu baaqeynayaa in ay ka faa’ideystaan inta ay carwadani socoto .

Waxaanu sidoo kale macaamiisha aanu la wadeynaa in aanu soo kordhinay adeeg cusub oo ku siinaya Internet aan xadi laheyn , kaas oo aad qiimo yar bixin doonto isla markaana aad isticmaali doonto bishan oo dhan “ ayuu yidhi

Ugu Danbeyn Muddane Khadar waxuu is dul taagay doorkii ay shirkadu ka ciyaartey carwadan

“ Shirkad ahaan waxaanu carwadan ka qaadaneynay qeyb aad u laxaad weyn hadii ay noqoto dhinaca LIVE-ka iyo Interne-ka WI- FI ee meesha lagu isticmalaayey “ ayuu hadalkiisii ku soo gabo gabeeyey .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here