Maxkamada Khartuum oo diiday in damaanad lagu sii daayo Madaxweynihii hore ee Suudaan

0
488

Maxkamada Khartuum oo diiday in damaanad lagu sii daayo Madaxweynihii hore ee Suudaan

Maxkamada magaalada Khartuum ayaa diiday in damaanad lagu sii daayo madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, oo wajahaya eedo Musuq Maasuq.

Al-Bashiir oo xilka laga tuuray 10-kii bishii April ee sanadkan ayaa lagu eedeeyay in uu lunsaday hantida Dadweynaha.

Danbiyada loo heesto intii uu xilka hayay ayaa waxaa ka mid ah lunsashada lacagta qaranka musuq maasuq iyo in uu aqbalay 90 million oo Dollar oo sharci aheyn oo uu ka qaatay saraakiil ka tirsan boqortooyada Sacuudiga.

Mar uu todobaadkii hore ka soo muuqday shaashadaha tan iyo markii xilka laga tuuray ayaa wuxuu sheegay in 25 million oo ka helay dhaxal suge Maxamed Bin Salman, balse uusan u adeegsan danihiisa Gaarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here