Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda magaalada Kismaayo

0
411

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in maanta magaalada uu rasmi ah uga hirgelay go’aan kasoo baxay maamulka Jubbaland oo ahaa in la xiro dhamaan goobaha laga soo galo magaalada Kismaayo ee cir, dhul iyo badba.

Saraakiil amniga qaabilsan oo ku sugan magaalada ayaa BBC u sheegay in saaka aysan kasoo degin diyaarada garoonka magaalada tan iyo markii go’aankaas uu kasoo baxay maamulka.

Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka goobaha laga soo galo magaalada Kismaayo, waxaana halkaas la geeyay ciidammo badan, sida ay wararka sheegayaan.

Waxaa magaalada Kismaayo la filayaa in berito ay ka dhacayso doorashada madaxweynaha oo ay ku tartamayaan illaa afar musharrax.

Dhanka kale, musharraxiinta mucaaradka waxay sheegeen in iyaguna Khamiista ay dooran doonaan madaxweyne.

Doorashada Jubbaland waxaa ka dhashay khilaaf xooggan. Dowladda federaalka ee Soomaaliya waxay diiday in gebi ahaanba aqoonsato natiijada kasoo baxo doorashada Jubbaland.

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa maanta deggan, waxaana meel kasta lagu arkaya ciidammada amniga oo howgallo ka sameynaya halkaas, sida ay BBC u sheegeen goobjoogayaal.

Madaxweyanaha hadda xilka haya ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa dadaal ugu jira sidii dib loogu soo dooran lahaa markale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here