Dhul-gariir dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay wadanka Myanmar

0
568

Dhul-gariir dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay wadanka Myanmar

Ugu yaraan 14 ruux oo mid ka mid ah uu ahaa sargaal ka tirsan ciidanka booliska ayaa ku dhintay dhul-gariir xoogan oo ka dhacay dhul macdanta laga qodo oo ku yaal wadanka Myanmar.

Mashaqadaan ayaa xilli hore ee Axada maanta ah ka dhacday magaalada Hpakant ee dhacda waqooyiga ismaamulka Kachin, sida lagu xaqiijiyay qoraal ay soo dhigeen barta Facebook.

Taliyaha ciidanka Booliska ee aagaasi Win Aung, ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in 14 ruux oo meyd ah ay ka soo saareen goobta uu dhul gariirka ka dhacay kuwaasi oo laba ka mid ah ay ahaayeen saraakiil ka tirsan Booliska.

Dhimashada ayaa laga cabsi qabaa in ay kororto maadaama ay jiraan dad badan oo wali Maqan.

Dowlada Myanmar ayaa horay u sheegtay in ay ka saari doonto shaqaalaha ku sugan goobaha laga qodo Macdanta si loo yareeyo qasaaraha dhimasho.

Wadankan oo ku yaal qaarada aasiya ayaa bilaha Hpakant May iyo October inta u dhaxeysa waxaa ka dhaca dhul gariir xoogan waxaana badi qasaaraha ugu badan uu soo gaaraa shaqaalaha ka shaqeeya goobaha laga qodo Macdanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here