Su’aalo ka dhashay socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway ku timid Muqdisho

0
619

Su’aalo ka dhashay socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway ku timid Muqdisho

Iyadoo shalay ay safar gaaban ku timid magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliyadda Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Norway Ine Marie Eriksen Søreide ayaa waxaa durba soo if baxaya su’aalo ku saabsan safarkeeda.

Mudadii ay ku sugneyd magaalada Muqdisho waxaa ay kulamo la qaadatay Madaxda dowladda Federaalka, sida Ra’iisul Wasaare Kheyre, kuxigeenkiisa iyo Wasiiro.

Inkastoo aan la soo bandhigin qodobada dhab ah ee ay isla soo qaadeen, hadana qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay inay wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo mashaariicyo ay Norway ka fulineyso Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in Soomaaliya ay qeyb ka tahay ajandayaasha looga hadlayo Madasha Oslo Forum ee todobaadka soo socda furmaya.

Mrs Ine Marie Eriksen Søreide ayaa ka hor inta aysan Muqdisho soo gaarin waxay soo martay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo ay kula kulantay Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Monica Juma.

Haweeneydan ayaa diyaaradda shalay keentay Muqdisho waxay aheyd diyaaradda 540 oo laga leeyahay dalka Kenya.

Waxaa soo baxaya shaki ku saabsan in safarkeeda uu qeyb ka ahaa arrinta xiisadda Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan muranka dhinaca Badda oo qeyb ahaan Norway ku lug leedahay, maadaama Shirkad laga leeyahay dalkeeda ay sahmin ku sameysay dhulka badda ee ay sheeganeyso Kenya, sidoo kale waxay muddo ku riixeysay Kenya dhulka badda ee la rumeysan yahay in Shidaal ku jiro.

Norway ayaa u muuqata mid xilligan ciyaareysa door ka weyn kii ay horay ugu laheyd Soomaaliya iyo Kenya, waxaana la sheegay inay in muddo ah isha ku heysay arrimaha shidaalka Soomaaliya, waxaana socdaalkeeda Muqdisho ku soo aaday todobaadyo kaddib markii uu baarlamaanka ansixiyay Sharciga Batroolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here