Kooxda Chelsea oo si raaxo leh ugu Guuleysatay Koobka Europa League

0
549

Kooxda Chelsea oo si raaxo leh ugu Guuleysatay Koobka Europa League

Kooxda kubada Cagta Chelsea oo ka dhisan waqooyiga magaalada Londan ayaa si raaxo leh uga adkaatay kooxda Arsenal.

Labada Naadi ayaa waxaa dhexmaray kulankii kama danbeysta ee koobka Europa League.

Kooxda Chelsea ayaa goolka hore waxaa u daahfuray weerar yahankii hore ee Arsenal Oliviera Grioud daqiiqadii 49-aad qeybtii Labaad.

Goolka labaad ayaa waxaa raacsaday daqiiqadii 56-aad cayaariyahan reer Spain ee Pedro Rodriguez.

Chelsea oo weerarkeeda sii wada ayaa heshay gool ku laad daqiiqadii 65-aad waxaana si qurux badan u dhaliyay Eden Hazard.

Kooxda Arsenal ayaa daqiiqadii 69-aad la timid gool uu dhaliyay Awobi,balse waxaa hurdada u diray Eden Hazard oo 72-aad goolkiisa labaad iyo kii afaraad ee Chelsea Dhaliyay.

Marka laga reebo guul darada soo Gaartay Arsenal ayaa hadane waxay tani la macno tahay in aysan ka soo muuqan doonin koobka horyaalada Yurub maadaama ay ku hungowday ku guuleysiga Koobkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here