Jadwalka Imtaxaanka Shahaadiga Ah Ee Dugsiyada Sare Ee Somaliya Oo La Shaaciyay Ka Dib Markii Uu Fashilmay Imtaxaankii Hore

0
651

Jadwalka Imtaxaanka Shahaadiga Ah Ee Dugsiyada Sare Ee Somaliya Oo La Shaaciyay Ka Dib Markii Uu Fashilmay Imtaxaankii Hore

Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo bandhigtey Jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare, kadib markii uu dhawaan fashilmay Imtixaankii ay qaadeysay Wasaaradda,markii la helay qishka Maadooyin ka mid ah Imtixaanka.

Imtixaanka ayaa bilaaban doona 27-ka Bishaan,waxaana uu socon doonaa ilaa 31 Bishaan May ee sanadkan 2019, waxaana xusid mudan in Imtixankaan oo ku celis ah ay dood badan ka dhalatay markii inta badan ay ardayd Soomaaliyeed diideen.

Hase yeeshee arday badan ayaa sheegtay inaysan galaynin imtixaankan ku celiska ah maadaama ay hore u galeen lix ka mid ah maadooyinka. Dowlada Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtey mid kamid ah shaqaalihii Wasaarada Waxbaashada kadib marki lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay fashilkii ku yimid imtxaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here