Dowladda Sudan oo askar dharcad ah u adeegsata dibed baxayaasha

0
540

Dowladda Sudan oo askar dharcad ah u adeegsata dibed baxayaasha

Baaritaan ay samaysay BBC-da qeybteeda Africa Eye ayaa lagu ogaaday caddeymo muujinaya in laamaha ammaanka ee Sudan ay adeegsadaan askar dharcad ah oo garaac, afduub iyo xarig isugu dara dibed baxayaasha dowladda ka soo horjeeda ee mudaharaadka ka dhiga wadooyinka caasimadda Khartoum.

Askartaasi ayaa ka garab shaqeeya booliska iyo milateriga si ay u kala eryaan dadka wadooyinka ku dibed baxaya, halka qaar ka mid ah dadkaasina ay uga daba tagaan guryahooda isla markaana lagu xiro goobo qarsoon iyagoo aan wax dembi ah lagu soo oogin, garaac iyo mararka qaar jirdilna loo geysto.

Shacabka Sudan ayaa bishii December ee 2018 waxa ay billaabeen inay ka mudaharaadaan sicirka cunnada ee sare u kacay, balse markii dambe waxa ay isu badeleen dibed baxyo lagu diidan yahay xukunka mudada 30-ka sano ka badan uu dalkaasi ku haysto madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.

Dowladda Sudan ayaa ka ilaalisay kaamerooyinka telefishinnada inay tebiyaan dibed baxyada, balse shacabka caadiga ah ayaa telefoonnadooda gacanta ku duubay waxa dhacayay.

BBC Africa Eye ayaa si dhaw u daristay in ka badan laba boqol oo muuqaal oo la soo galiyay baraha ay bulshadu ku wada xiriirto ama ay si toos ah ugu soo direen dibed baxayaasha.

Xubno ka tirsan booliska, milateriga iyo askar dharcad ah ayaa muuqaallo laga duubay xilli ay garacaayeen dibed baxayaasha, isla markaana inta ay jiidaan ku kaxaysanayay gawaarida cadcad ee dusha ka furay ee lagu yaqaano laamaha ammaanka ee Sudan.

Kooxaha u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda aadanaha ee Sudan ayaa sheegaya in dhibbanayaashaasi la geeyo xabsiyo qarsoodi ah oo lagu magacaabo guryaha reer akharaadka, maadaama dadka lagu xiro aan la arag, kuwa lagu jirdilana cabaadkooda laga maqlo meel fog.

BBC Africa Eye ayaa ogaatay in ugu yaraan laba ka mid ah xabsiyadaasi ay ku yaallaan caasimadda Khartoum.

Afhayeen u hadlay dowladda ayaa beeniyay inay jiraan xabsiyadaasi qarsoodida ah, waxaana uu sheegay in booliska aanu sharciga u ogoleyn inay garaacaan ama jirdilaan dibed baxayayaasha.

Waxa uu intaa ku daray in dadka mudaharaadaya aanay ogolaansho haysan oo dibed baxyadu ay yihiin kuwo sharci darro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here