Dawladda Kenya Oo Xafiis Diblomaasiyadeed Ka Furan Doonta Hargeysa

0
627

Dawladda Kenya Oo Xafiis Diblomaasiyadeed Ka Furan Doonta Hargeysa

Dawladda Kenya ayaa sheegtay in ay 16 xafiis dublimaasiyaddeed ka furan doonto ku dhawaad 16 waddan oo qaaradda Afrika ku yaala. Saddexda sannadood ee soo socda.

Wasiirka arrimaha dibada dalkaasi Kenya Monica Juma ayaa khamiistii ku dhawaaqday in ay dawladda Kenya furanayso 16 xafiis diblumaasiyaddeed oo mid kamid ah noqon doono magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland – sida uu qorey wargeyska Geeska Afrika oo ay shabakadda Barigaafrika soo xiganayso.

Xoghayaha wasiirka arrimaha dibada dalkaasi Kenya oo hadashay waxay sheegtay in jiritaankooda ay arrintani ku xoojinayaan, waxay intaasi ku dartay in sidoo kale qarankooda tallaabadani kaga ilaalinayaan faro gelinta shisheeyaha waa sida ay hadalka u dhigtee.
Ganacsatada qaadka Kenya ayaa dhowr jeer dawladdooda ugu baaqay in aqoonsi siiso Somaliland si ay qaadkooda ugu soo iib geeyaan Somaliland oo ay u arkeen suuq dihin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here