Taliska Militariga Jubbooyinka oo sheegay 30 dagaalame Shabaab in lagu dilay duqeyn Jilib ka dhacday

0
588

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Somaliya qaybta Jubbooyinka ayaa sheegay in duqeyn lagu dilay 30-dagaalame iyo Afar Saraakiil Ajaanib ah, kadib duqeyn ay iska kaashadeen ciidanka Danab & Ciidamo Mareykan ah.

Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ciidamada Danab oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah ay weerar qorsheysan ay ku qaadeen Xarun tababar oo Al-shabaab ay ku lahayeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe.

Hawlgalkaasi ayuu sheegay in lagu dilay ku dhawaad 30 askari oo Shabaab ka tirsan iyo afar Saraakiil oo Ajaanib ah oo ku sugnaa Xerada weerarka uu ka dhacay.

Magacyada Saraakiisha Ajaanibta ah ee lagu dilay hawlgalka ayaa wuxuu ku sheegay Aweys Abu Xamza oo heesta dhalashada Dalka Suuriya iyo Hassan Al-Qayaadi (Abu Yaxya) oo isna heysta Dhalashada Dalka Liibiya isagoona ka mid ahaa raga ugu sareeya Al-shabaab

Ma jirto ilo wareedyo ka madax banaan Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ee Jubbooyinka oo xaqiijinaya in weerarkaan lagu dilay tirada intaasi la eeg ee Shabaab iyo Saraakiisha ajaanibta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here