Booliska Koonfur Afrika Oo Soo Bandhigay Soomaali Dhawaan Dad Ku Dilay Masaajid Ku Yaalla Malmesbury

0
650

Booliska Koonfur Afrika Oo Soo Bandhigay Soomaali Dhawaan Dad Ku Dilay Masaajid Ku Yaalla Malmesbury

(DLN-Cape Town)-Saraakiisha Waaxda Dembiyadda Booliska dalka Koonfur afrika ayaa soo saaray warbixin ku saabsan Weerar Nin Soomaali ahuu  bartamihii bishii hore  ka geystay Masjid ku yaalla magaalladda Malmesbury oo 65-Km Waqooyi kaga toosan Magaaladda Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Warbixinta ay soo saareen saraakiisha Booliiska waxaa lagu sheegay in Ninkii mas’uulka ka ahaa weerarkii dhacay bishii June 14-da uu ahaa Nin dhimirka ka xanuunsan oo tan iyo sannadkii 2013-kii ay daaweyn dhinaca Dhimirka ay uga socotay Isbitaalka Cilmi-nafsiga ee Karl Bremer Hospital ee Magaaladda Bellville sida uu sheegay Afhayeenka waaxda dembi-baarista dalka Koonfur Afrika, Philane Nkwalase .

Philane Nkwalase afhayeenka booliiska Koonfur Afrika ayaa intaa ku daray hadalkiisa in ninka weerarkaasi geystay la oran jirey Nuur Caraalle oo 23-jir ahaa.

Hase ahaatee Baarayaashu waxay xuseen inaan weli la ogaanin sababta uu ninkan u geystay weerarkaasi, waxayna meesha ka saareen inuu wax xiriir ah la lahaa kooxaha xag-jirka ah.

Warbixinta ay soo saareen Booliska dalkaasi Koonfur Afrika waxay ku sheegeen in ay maydka Marxuumkaasi ku wareejiyeen Qoyskiisa, lana filayo in dhawaan la aaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here