DEG DEG: Guddoomiye Mursal oo markii u horeysay go’aan ka soo saaray mooshinka Madaxweyne Farmaajo

0
485

DEG DEG: Guddoomiye Mursal oo markii u horeysay go’aan ka soo saaray mooshinka Madaxweyne Farmaajo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii u horeysay hadal  ka soo saaray Mooshinka xil ka qaadista ee ka dhanka ahaa Madaxweyne Farmaajo.

Qoraal uu ku saxiixnaa Guddoomiye Mursal oo ay faafiyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa lagu caddeynayay in Mooshinka Hindise sharciyeedka xil ka qaadista Madaxweynaha ee uu qabtay Guddoomiyaha 9-kii bishan la waafajin doono sida uu qabo Dastuurka dalka iyo xeer hoosaadka.

Qoraalkan ayaa ah mid jawaab u ah qoraalkii uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Buux oo sheegayay in 14 xildhibaan ay sheegeen in magacooda iyo saxiixooda laga been abuurtay, sidaas darteedna mooshinka ku jabay.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Guddoomiye Mursal uu afar cisho xayiraad ku saarneyd hoyga uu ka degenaa Madaxtooyada, iyadoo tan iyo markii mooshinka uu qabtay aanu wax hadal ah soo saarin, marka laga reebo Xildhibaano u tagay habeen hore.

Xiisada siyaasadeed ee uu dalka galay ayaa u muuqda mid lugaha la sii galaysa xaalado aan wax laga qaban karin, marka loo eego sida wax u dhacayaan iyo tallaabooyinka socda qaarkood oo dadka walwal ka muujiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here