Dagaal Ka Socda Deeganadii Shidaalka Laga Helay Ee Dalka Itoobiya Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0
1666

Dagaal Ka Socda Deeganadii Shidaalka Laga Helay Ee Dalka Itoobiya Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Dagaal xooggan ayaa la sheegayaa inuu ka socdo gudaha magaalada Baabili oo maamul ahaan hoos timaadda gobolka Oromada ayna wada degaan qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Dagaallada oo maalmahanba ka socday tuulooyin ku hareereysan magaalada baabili ayaa wuxuu ku sii ballaartay magaalada gudaheeda.

Ilaa iyo hadda waxaa dagaalkaasi ku dhintay 6 qof dhaawac tira bandanna uu jiro waxaana burbur xooggan loo geystay huteellada iyo ganacsiga kale e ay Soomaalida ku lahayd magaalada baabili.

Maamulka deegaanka Oromada, kan Soomaalida iyo kan Federaalkaba kama aysan hadalin.

Dagaalladaasi ayaa waxay maalmihi la soo dhaafay ka socdeen tuulooyinka Erer iyo Biisidiimo maantana waxay ku fideen gudaha Baabili.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here