3 Maxbuus oo Israa’iil u dhashay oo madaxdooda lagu furtay 369 Falastiiniyiin ah

0
52

3 Maxbuus oo Israa’iil u dhashay oo madaxdooda lagu furtay 369 Falastiiniyiin ah

Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa sii daayay 3 Maxbuus oo kamid ah Maxaabiistii ay Israa’iil kasoo qabtay todobadii Oktoobar sanadkii 2023, waxa ay ku sii deysay madaxa 369 ruux oo Shacab Falastiiniyiin ah kuwaas oo ciidanka Yuhuuddu ka uruuriyeen magaalooyin kala duwan.

Tirada Dadka lasii daayay oo gaareysa 369 ruux oo Shacab falastiiniyiin waxa ay ka dhigeysaa in madaxa qofkii Yuhuudiga ah ee Gacanta Xamaas ka baxaya la dhaafsanayo 123 ruux oo rayid ah kuwaas oo ku xiran xabsiyada Israa’iil maamusho.

Magacyada Maxaabiista maanta la sii daayay waxa ay kala yihiin Alexander Trufanov, Sagui Dekel-Chen iyo Iair Horn waxaana lagu wareejiyay Hay’adda Laanqayrta cas ee muddooyinkii dambe ka shaqeyneysay kala wareejinta Maxaabiista.