Xukuumada suudaan oo soo saartay amar lagu xirayo ku dhowaad 50 saxafi

0
706

Xukuumada suudaan oo soo saartay amar lagu xirayo ku dhowaad 50 saxafi

Waaxda dacwad soo oogida dalka suudaan ayaa amartay in xabsiga loo taxaabo 38 saxafi oo lagu eedeyay in ay gudbinayeen warar been abuur ah oo aan sax aheyn.

Sida ay tabisay warbaahinta Sudania 24,xafiiska madaxa danbi baarista ayaa soo saaray amarkaan waxaana uu sheegay in uu u cuskanayo xarigooda qodobka 66 69 ee danbiilayaasha.

Muuq baahiyahaan ayaa sheegay in saxafiyiintan ay dhiiri galiyeen wararka ku saleysan qalqal galinta bulshada iyo faafinta wararka been abuurka,kuwaasi oo wax u dhimaya xasiloonida.

Wariye yaasha suudaan ee ku sugan gudaha iyo dibeda ayaa isbbucyadii la soo dhaafay xoojiyay tabinta iyo ka hadalka dibadbaxyada looga soo horjeedo dowlada iyaga oo adeegsanaya baraha bulshada.

Arintaan ayaa waxay dhalisay durbadiiba qalqal xoogan oo soo wajahay saxafiyiintaan waxaana la sheegay in 28 ka mid ah ay ku nool yihiin dibada suudaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here