Xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir oo ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa

0
485

Xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir oo ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa

Xoghayihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir Amiin Sheekh Cilmi ayaa ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa, xilli uu marayay agagaarka Isgoyska KM4.

Qaraxan ayaa ahaa nuuca baabuurta lagu xiro, gaar ahaan qeybta hoose, waxaana gaariga soo gaaray burbur xoog leh.

Gaariga la qarxiyay ayaa ahaa kuwa raaxada, waxaana la sheegay inuu watay Xoghayihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir, xilligii Maamulkii ay hoggaaminayeen Guddoomiyeyaashii hore Muungaab iyo Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Allaha u naxariistee Amiin Sheekh Cilmi ayaa sanadkii 2014 waxaa uu bedelay Xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle Cismaan, waxaana horaantii sanadkii 2015 C/kaafi  ku dhintay qarax miino oo ka dhacay agagaarka Isgoyska KM4.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here