Xog cusub oo laga helay sida loo dilay Ismacil Haniya

0
60

Xog cusub oo laga helay sida loo dilay Ismacil Haniya
Sawirkii ugu horeeyay ee laga soo qaaday Tehran ayaa muujinaya dhismihii lagu dilay hogaamiyihii Xamaas Ismail Haniyeh.

Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas Khaliil al-Hayya ayaa soo bandhigay habkii uu u dhacay dilka Ismaaciil Haniyeh.

“Shahiid Haniyeh waxaa lagu dilay gantaal soo galay qolkii uu ku sugnaa isagoo sariirtiisa jiifa 2:00am habeenimo” ayuu yiri Khaliil al-Hayya oo soo xiganaya dad goobjoogayaal ah oo la socday Haniyeh.

Dhismaha guud ee uu degenaa Haniyeh waa mid sidiisa u taagan waxaana burbur kooban uu soo gaaray qolka uu jiifay hogaamiyaha, taasoo cadeyneysa in Israel ay heshay xog sirdoon oo gaarsiisan iney xitaa ogaatay qolka uu jiitay.

“Natiijadii gantaalka lagu garaacay awgeed, waxaa burburay daaqadaha, albaabada iyo darbiyada qolkiisa” ayuu Al-Hayya ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Tehran.

Weli lama oga halka laga soo riday gantaalkaas, Iran ayaana weli wada baaritaan ku aadan sida uu u dhacay dilkan naxdinta ku noqday caalamka.