Xisbi ka dhisan Sweden oo wada olole lagu mamnuucayo Aadanka Salaada

0
233

Xisbi ka dhisan Sweden oo wada olole lagu mamnuucayo Aadanka Salaada

Xisbiga Sverigedemokraterna (SD) ayaa mar kale ku baaqay in dalka Sweden laga mamnuuco cod-baahiyeyaasha Aadanka Salaada

Barta rasmiga ah ee xisbiga ee Twitter-ka ayaa la soo dhigay sawirka masjidka, waxaana lagu soo qoray, “Baaqista salaadda kama jirto Sweden”.

Xisbigu waxa uu sheegay in ay hore ugu baaqeen in gabi ahaanba la mamnuuco baaqa salaadda ee cod baahiyeyaasha, waxaanu intaa ku daray, “Dhammaan dadku waxay xaq u leeyihiin inay ka xoroobaan fikradaha diineed.

Wasiirkii hore ee xisbiga Social Demecratic, Annika Strandill, ayaa faallo ka bixisay barteeda twitter-ka, iyadoo ka hor timid qorshaha xisbigan.

“Dabcan waxaad sidoo kale dooneysaa inaad ka hortagto gambaleelka kaniisadaha inay garaacaan dhammaadka usbuuca? Mise waxaad beegsanaysaan xorriyadda diinta ee muslimiinta oo keliya? ayey qoraalkeeda ku sheegtay

Xildhibaanka xisbiga SD Marcus ayaa ku jawaabay, isagoo waydiinaya in “dhaqdhaqaaqa iska caabinta Nazi-ga ee Waqooyiga Yurub sidoo kale loo ogolaado inay ku qeyliyaan hal mar,” isagoo la mid ah baaqii salaadda ee masaajidka.

Qaar ka mid ah Masaajidada Muslimiinta ee dalka Sweden ayaa horey loogu ogolaaday iney aadaanka salaada u isticmaalaan cod baahiyeyaasha arrintaasoo muran badan ka dhalisay dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here