Xiriirka Kubadda Cagta Afrika oo baaraya halista la geliyay Ciyaartoyda Xulka Qaranka Nigeria

0
25

Xiriirka Kubadda Cagta Afrika oo baaraya halista la geliyay Ciyaartoyda Xulka Qaranka Nigeria

Xiriirka Kubadda Cagta ee Qaaradda Afrika ee CAF ayaa baaraya dhacdadii fadeexada iyo halista isku darsatay ee Xulka Qaranka Nigeria ay kala kulmeen dhiggooda Liibiya oo maanta kulan isreeb-reeb ah kuwada ballansanaa in ay wada dheelaan.

Arrintaan ayaa ah in Ciyaartoyda Xulka Nigeria markii ay u safreen Liibiya laga dejiyay Garoon diyaaradeed oo aanay lahayn adeegyada loo baahan yahay isla markaana isticmaalkiisu kooban yahay, halkaasina ay ku xayirnaayeen muddo dhan 12 saac.

Garoonka Diyaaradaha ee Al-Abraq waxaa keliya la adeegsadaa waqtiga xujeyda ka dhoofayaan Liibiya, ma lahan Maqaaxi, Internet iyo dhaqdhaqaaq kale oo dhanka Bulshada ah, waxaana ku cidloobay xulka Nigeria oo xitaa cuntadii iyo biyihii ay ka go’een.

Ciyaartoyda xulka Qaranka Nigeria ayaa markii dambe go’aansaday in ay dib ugu laabtaan Dalkooda hooyo iyaga oo diiday in ay maanta la ciyaaraan dhiggooda Liibiya kulan kamid ah isreeb-reebka Koobka Afrika 2025 ee AFCON la yiraahdo.

Xiriirka Ciyaaraha Nigeria ayaa aad uga carooday ficilkaas, warqad ashtako ah ayuu u diray Hay’adaha sida gaarka ah ugu qaabilsan in ay ka falceliso arrimahaan oo kale ee Afrika loona soo gaabiyo CAF gaar ahaan qaybta aqlaaqda.

Xubin aan la shaacin balse baaritaan lagu hayo oo katirsan dhanka Liibiya ayaa ku dooday in ficilkaan uu jawaab u ahaa tallaabo hadda kahor ay ku sameeyeen dhiggooda Nigeria, haddii ay heli kareen keymo bahallo badan ay joogaan xitaa ay ka dejin lahaayeen.

Labadaan xul ee kala ah Nigeria & Libya ayaa kuwad jira qaanadda (D), waxaa ku wehliya Benin iyo Rwanda, Xulka lagu neynaaso Gorgorka sare ayaa hoggaaminaya halka Liibiyaanka ugu hooseeyaan heerka kala sarreynta dhibcaha.

La soco wixii kasoo kordha