Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansaxiyay saddex xubnood oo ka tirsan guddida Doorashooyinka Somaliland kuwaas oo ay hore u diideen balse madaxweyne Biixi, dib ugu soo celiyay.
70 xildhibaan ayaa codka kalsoonida siiyay dhammaan xubnaha maanta la ansixiyay.