Xildhibaan Katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu dilay magaalada Muqdisho.

0
553

Xildhibaan Katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu dilay magaalada Muqdisho.

Kooxo hubeysan, ayaa goordhow degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, waxa ay ku dishay Xildhibaan katirsan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore, waxaana dilkkiisa uu ka dhacay meel aan ka fogeyn hoygiisa oo ku yaala Waqooyiga magaalada Muqdisho.

Ciidamada amaanka oo tagay halka uu dilka ka dhacay, ayaa sameeyay howlgal baaritaano ah, waxaana jira warar sheegaya in gacanta lagu soo dhigay qaar kamid ah Raggii dilka geystay iyo gaarigii ay wateen.

Allaha u naxariistee Marxuum Boqore, waxa uu ahaa Xildhibaanka ugu da’da weyn baarlamaanka Soomalaiya, isagoo hore u soo noqday Gudoomiye Kuxigeenkii 2-aad ee Baarlamaankii lagu soo dhisay dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here